Saturday, July 27, 2024
HomeWararWararkii ugu dambeeyey shir dhex-maraya Lafta Gareen iyo xildhibaanada u xareysan

Wararkii ugu dambeeyey shir dhex-maraya Lafta Gareen iyo xildhibaanada u xareysan

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta ka furmo shir wada-tashi ah oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis iyo xildhibaanada  dhowaan lagu soo doortay maamulkaasi gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu Lafta Gareen Baydhabo isugu yeeray xildhibaada labada aqal ee maamulkaasi, kuwaas oo dib ugu laabtay halkaasi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey shirka, isaga oo shaaciyey inuu maanta furmayo.

‘Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadaynaa in maanta Magaalada Baydhabo uu ka furmaayo shirka wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Xildhibaanada Dooran labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Maxamed Cali Ibraahim ayaa sidoo kale xusay in shirkani go’aan rasmi ah looga gaari doono khilaafka ka dhashay dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmnaamay in laga tashan doono kuraasta uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT ee dib loogu celiyey dowlad goboleedka Koonfur Galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments