Saturday, July 27, 2024
HomeWararBeesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Dhammaystirka Geedi-Socodka Doorashada

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Dhammaystirka Geedi-Socodka Doorashada

War Saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay heerka gabagabada ah ee ay marayaan Tallaabada Gabo-gabada ah ee Dhammaystirka Geedi-socodka Doorashada.

War Saxaafadeed ay soo saartay beesha caalamka ayaa u qornaa sidan;

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socdo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments