Saturday, May 18, 2024
HomeUncategorizedMunaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna xusayay Maalinta Dhaqankaiyo Hiddaha Soomaalida

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna xusayay Maalinta Dhaqankaiyo Hiddaha Soomaalida

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna xusayay Maalinta Dhaqankaiyo Hiddaha Soomaalida ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Bristol ee Waddanka Ingiriiska.

Xafladdaan ayaa u jeedkeedu aheyd in dhaqankeenna wanaagsan ay wax badan ka ogaadaan Dhaliyarada ku dhalatay qurbaha ama ku koray.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay Aggab muujinaya dhaqanka Soomaalida ee wanaagsan

Dhaka fanka iyo Suugaanta kamą marneyn waxaa goobta ku sugnaa fanaaniinta kala ah Nimco Yaasiin Caraale, Ubax Fahmo iyo Abdiraxmaan Xanxanteeye.

Waxaana halkaasi ka muuqatay reyn reyn iyo farxad aan la soo koobi karin oo dadkii goobta yimid ka muuqatay isla markaana jecleystay in la badadiyo kulmada nuucaan oo kala ah.

Garaad Said Burale oo ka mid ahaa guddiga qaban qaabada xafladda dhaqanka, ayaa la hadlay Hiddo TV oo sheegay in ay muhiim u tahay dhalinyarada qurbaha ku nool in sanad walba Xaflad nuucaan ah loo sameeyo si ay ayaguna ubadkooda u baraan dhaqankeena wanaagsan.

Sayid Ali Aseyr

Hiddo TV Bristol Uk

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments