Saturday, July 27, 2024
HomeWararWax ka ogow sababta MW Laftagareen uu Baydhabo isugu yeeray Xildhibaanno &...

Wax ka ogow sababta MW Laftagareen uu Baydhabo isugu yeeray Xildhibaanno & siyaasiyiin?

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ka abaabulay kulan lagu difaacayo xil heyntiisa, waxaa kasoo muuqday Xildhibaanno heer Federaal ah, kuwa Dowlad-Goboleedkaas iyo siyaasiyiin.

Xidhibaannadaas oo Warbaahinta la hadlay waxa ay sheegay in Magaalada Muqdisho laga wado abaabul ka dhan ah muddo xileedka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo la doortay 19kii December 2018.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad uusan sheegin magacyadooda balse kasoo jeeda Koofur Galbeed oo Magaalada Muqdisho kawada abaabul ka dhan ah muddo sharciyeedka dastuuriga ee Madaxweyne Laftagareen.

“Xamar ayaa lagu shiraayaa waad ogtihiin, qayb idinka mid ah ayaa ku shirsan, waad garaneysaan Ragga hadlayaa, haddii aan leenahay arrintaan way fiican tahay aan sheegno haddii ay xun tahayna aan dhahno waa arrin xun ee niman yahow hanoo keenina, Ninkii raba in uu Ninkaan galo waqtigiisa marka uu dhammaado ha eryaan, inta ka horreysa masoo soo dhawaan karo, ninkii u yimaadana waan la dagaalameynaaa” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wasiirka Warfaafinta DG Koofur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in rafaad badan loosoo maray dhismaha Dowlad-Goboleedkaas balse aanay loo baahneen in si fudud looga shaqeeyo sidii loo burburin lahaa.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaa Madaxweynaha DG Koofur Galbeed loo doortay 19kii December 2018kii kaddib markii uu helay saddex meelood 2 meel codadka Xildhibaannada u codeynayay Madaxweynaha 2aad ee Dowlad-Goboleedkaas soo maray.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku dooday in Madaxweyne Laftagareen uu muddo xileedkiisa oo ah 4 sano uu ku eg yahay 19ka December 2022, balse Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin difaacaya Madaxweynaha ayaa dood ka dhigtay in uu muddo xileedkiisa ku siman yahay 19ka December 2023.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Wasiirada Koofur Galbeed ayaa intooda badan xubno ka noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Xildhibaanno iyo Wasiiro kooban oo ku haray Magaalada Baydhabo ayaa wada abaabul ay ku doonayaan in sanad dheeraad ah loogu daro si ay usii shaqeeyaan balse waxaa arrintaas diidan siyaasiyiin damacsan in ay is baddel ka dhaliyaan Koofur Galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments