Saturday, July 27, 2024
HomeWarDoorashada Kursiga HOP#039 oo maanta la qabanayo

Doorashada Kursiga HOP#039 oo maanta la qabanayo

Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle ayaa soo saaray Guddiga Xulista Ergada (GXE) iyo Jadwalka cusub ee kursiga HOP#039, kaas oo ay hore ugu fadhisay Drs Maryan Axmed Haaruun taas oo markale dooneysa inay u tartanto doorashada kursigaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa shaaciyay jadwalka kursigaan, waxaana ergada iyo musharixiinta la diiwaangelinayaa maanta oo Isniin ah oo taariikhdu tahay 04/04/2022, halka doorashadiisa la qaban doono isla maanta, sida ku xusan jadwalka guddiga ay soo saareen.

Sida qorshuhu yahay doorashada Kursigaas, waxaa lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Beledweyne, iyadoo ay ku tartami doonaan musharixiin dhowr ah.

Doorashada kursigaan HOP#039, hadii ay maanta qabtaan Guddiga Doorashada Hirshabeelle, waxaa magaalada Beledweyne ugu harsan kaliya doorashada Kursiga HOP#135, oo ay hore ugu fadhisay baarlamaankii 9-aad iyo kii 10-aad Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments