Saturday, July 27, 2024
HomeWarUSAID oo sheegtay in 4.5 Milyan Ruux saameysay Abaarta Soomaaliya

USAID oo sheegtay in 4.5 Milyan Ruux saameysay Abaarta Soomaaliya

@Thomas Solomon oo ah madaxa Xafiiska Arrimaha Bani aadamnimada Hay’adda Mareykanka u qaabilsan kaalmada USAID ee Soomaaliya ayaa sheegay in Abaarta Dalka ka jirta ay saameyn taban ku reebtay Malaayiiin ruux.

Waxa uu sheegay in Dad gaaraya 4.5 Milyan oo ruux ay saameyn taban ku reebtay Abaarta kuwaas oo isaga barakacay Deegaannadooda iyaga oo doorbiday deegaanno kale oo ay u arkaan in ay ku helayaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah.

Madaxa USAID ee Soomaaliya Thomas Solomon ayaa xusay in hal Milyan iyo afar Boqol oo kun oo carruur ah ay la ildaran yihiin Nafaqo darro, waxa uu suuragal ka dhigay haddii aan roobka da’in ama gurmad la siin in tirada intaas ka badan karto.

Waxa uu soo jeediyay in loo istaago u gurmashada Qoysaska Abaartu ku saameysay Soomaaliya ee aanay awoodin in ay helaan Biyo iyo Cunno halka Xoolihii ay dhaqanayeen sidaas oo kale dhibaato nololeed wajahayaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo gobollada saameynta taban ku reebtay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, halka uu codsaday in lala shaqeeyo Guddiga uu howshaas u xilsaaray.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in duruufo adag ay hor taallo qoysaska Abaarta ku saameysay Soomaaliya, iyada oo ay intaas u dheer tahay Ayax baabi’iyay dhul baaxad weyn iyo Dhibicda Roobka oo ku yaraatay deegaannada qaar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments