Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federal ee FEIT ayaa maanta shahaadada rasmiga ah Guddoonsiiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Xildhibaankii ugu horreeyay Baarlamaanka 11aad ee JFS ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo waa Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ku fadhiya Kursiga Tirsigiisu yahay HOP#108.

Xildhibaannada kale ee qaatay shahaadada waxaa kamid ah:
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ku fadhiya HOP#049.

Xildhiban Maxamed Nuur Abuubakar (Shariif Mustafa) oo ku fadhiya HOP#265.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ku fadhiya HOP#005.

Senator Cabdi Axmed Dhuluxow (Dhagdheer).

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ku fadhiya HOP026.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku fadhiya HOP#225.

Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku fadhiya HOP#208.

Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan-Dhabancad HOP#038.

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ku fadhiya HOP#070.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed HOP#011.

Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac oo ku fadhiya HOP#004.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid HOP#063.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku fadhisa HOP#096.

Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise ayaa qaadatay Shahaadada kursiga HOP#212.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin HOP#205.

Xildhibaan Muuse Saciid Jaamac HOP#263 ayaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo BJF.

Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble ayaa shahaadada rasmiga ah u qaatay HOP#101.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in shahaado siinta Xildhibaananda iyo Sentarada Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ay soconeyso, waxaana la siinayaa Xubnihii kusoo baxay Liiska uu 31kii Maarso 2022 shaaciyay Guddiga.