Saturday, July 27, 2024
HomeWarRW Rooble: "Hala garabsiiyo Walaalaha aan awoodin in ay helaan Afurka".

RW Rooble: “Hala garabsiiyo Walaalaha aan awoodin in ay helaan Afurka”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dadka hantida heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan qoysaska la hardamaya duruufaha ee aan awoodin in ay helaan afurka inta lagu guda-jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maanta ah maalintii 1aad.

Rooble ayaa sheegay in abaarta iyo dhibaatooyinka kale ay sababeen dhaqaale la’aan soo wajahday malaayiin ruux oo Dalka ku nool kuwaas oo aanay heysan Biyo, Raashin iyo adeegyada Caafimaadka.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ayaa Dadka hantida heysta ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan sidii loo gacansiin lahaa si ay uga faaiideystaan fadliga Bisha Ramadaan ay leedahay.

“Waxaa jira Dad Danyar ah oo walaalaheen ah oo ay dhib ku tahay in ay helaan nolol maal-meedkooda, sidaas darteed waxa aan Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo aaad joogtaan idinka codsanayaa in aad isku naxariisataan oo aad gacansiisaan oo si gaar ah loo taakuleeyo Dadka Masaakiinta ah ee taakta daran, saboolka ah, agoonta ah, Barakacayaasha iyo dadka abaartu saameysay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso gurmad u raadinta Dadka saameynta taban ku reebtay abaarta Dalka ku dhufatay, waxa ay u xilsaartay guddi ka shaqeeya howshaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments