Saturday, July 27, 2024
HomeWarMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisha kula kulmay...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisha kula kulmay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, mudane Alberto Vecchi kaas oo  soo booqasho ugu yimid Gurigiisa.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray marxaladda uu dalka uu ku jiro sida Xaaladda Amniga guud ee Dalka, Daadajinta doorashayooyinka dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Kulanka oo qaatay Saacado ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uga mahadcelshay kaalinta dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya. Sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Madaxweynihii todobaad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wada kulamo uu la yeelano beesha caalamka asiga oo kala hadlayay Arrimaha doorashooyinka Dalka, ayada oo weli socota doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments