Saturday, July 27, 2024
HomeWararMadaxweynaha DG Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada...

Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa ku Qaabilay Xafiiskiisa Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan.

Kulanka Laftagareen & Isha Dyfan oo qaatay Saacado badan ayaa waxa ay uga wada hadleyn Abaaraha, Biya la’aanta, Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta ka socotay Qaramada Midoobay isaga oo xusay in ay si dhow ula Shaqeyn doonaan si ay ugu fududaan howlaha ay u tageen Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee DG Koonfur Galbeed.

Wafdigaan uu Hoggaaminayo Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Dowlad Gobaleeyada kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments