Saturday, July 27, 2024
HomeWarMahdi Guuleed “12 Milyan ayaan maanta ku wareejinaynaa Soomaaliland”.

Mahdi Guuleed “12 Milyan ayaan maanta ku wareejinaynaa Soomaaliland”.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaarsiiso dadkii ganacsigooda ku waayey suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeesa in ka badan 10 Milyan oo doolar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay amar ku bixiyay in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland.

Ganacsatada ayaa dhankooda sheegay inay bixinayaan labo milyan oo doollar, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in hal milyan oo kale  ay xukuumaddu bixineyso.

Xalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guudleed ayaa sheegay in 15 malyan maanta la gaarsiin doono dadkii hantidooda ku waayey suuqa weyn ee Magaalada hargeysa ee Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay baahisay wada hadal taleefoon oo Madaxweyne Muuse Biixi uu la yeeshay Madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhankiisa Muuse Biixi ayaa Farmaajo, Rooble iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida ay uga xumaadeen dhibaatadii ka dhalatay dadkii laba habeen ka hor ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments