Saturday, May 18, 2024
HomeCayaaroJuventus oo baadi-goob ugu jirta xiddig ka tirsan naadiga Real Madrid si...

Juventus oo baadi-goob ugu jirta xiddig ka tirsan naadiga Real Madrid si uu baddel ugu noqdo Paulo Dybala

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa suuqa xagaagan ka baadi-goobeysa xiddiga weerarka ka ciyaara kaasoo ay baddel kaga dhigto laacibkaa Paulo Dybala kaasoo go’aansaday inuu ka dhaqaaqo Allianz Stadium marka uu qandaraaska idlaado dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Juve ayaa sidaas darteed bartilmaameedyadeeda ku dartay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marco Asensio iyadoo mustaqbalka laacibkan ee kooxda Los Blancos uusan hubanti ahayn.

Marco Asensio inspired Real Madrid snatch La Liga title lead with Granada  win - Football Espana

Warsidaha Defensa Central ayaa baahiyay inay Bianconeri isha ku heyso saxiixa Asensio kaasoo la filayo inuu ka hayaamo kooxda hoggaamineysa horyaalka La Liga xilli qandaraaskiisa garoonka Santiago Bernabeu uu dhacayo xagaaga 2023.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahansan yahay inay Madrid xiddigan ku fasixi karto qiimo lacageed oo gaaraya 50 milyan oo euro halka naadiga Turin ka dhisan ay 26-sano jirka reer Spain u diyaarineyso qandaraas uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo mushahar dhan toddobo milyan oo euro.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay Juventus loollan adag oo ku aaddan saxiixa Marco Asensio ay kala kulmeyso kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Liverpool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments