Saturday, July 27, 2024
HomeWararGuddiga Doorashooyinka Goballada Waqooyi oo xogta Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ku...

Guddiga Doorashooyinka Goballada Waqooyi oo xogta Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ku wareejiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga Hirgalinta Doorashadinka Goballada Waqooyi SEIT Soomaaliland ayaa Xubna ka socdey Guddiga hirgalinta dooorashooyinka Heer Fedearal ku Wareejiyey Galka Faylasha  57- Xildhibaan oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee lagu dortay Magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedyada Puntlad, Koonfur Galbeed & Jubbaland ayaa si dhameystiran u wareejiyay dhammaan xogta iyo dukumeentiyada xildhibaanada lagu soo doortya Punland iyo Jubbaland, ayada oo Jubbaland ay wareejisay Xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorashada koowaad oo kaliya, halka ay ku harsantahay xogta Xildhibaanada deegaan doorashada labaad.

Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi SEIT Soomaaliland ayaa noqday Maamulka doorashada oo ugu horreeyay ee soo idleeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaga oo soo idleeyay doorashada 21 Febraayo 2022, Halka maamullada doorashada Banaadiriga, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay soo dhameeyeen dhammaan xildhibaanada labada aqal wallow Jubbaland ay soo idleysay doorashada deegaan doorashada koowaad.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16 March 2022 sheegay in 24 march 2022  ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu waday in ay sii idlaato 15 march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Xulashada

Recent Comments