hiddotv

Mid ka mid ah xiddigaha Manchester City oo dhaawac looga soo reebay xulka qaranka England & Xaaladda dhaawacyada Citizens oo sii darsatay

Xulka qaranka dalka England ayaa shaaciyay in safka xulka laga reebay xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee John Stones kahor ciyaarta saaxiibtinnimo ee uu xulka Ingiriiska la balansan yahay dhiggiisa Ivory Coast.

Laacibka difaaca dhexe uga ciyaara Man City ayaa la qorsheeyay inuu kusoo bilawdo kulankii xulka England uu 2-1 ku garaacay dalka Switzerland maalintii Sabtida, balse markii uu dhaawac kasoo gaaray is-kululeynta kahor kulanka ayaa lagu baddelay difaaca naadiga Arsenal ee Ben White.

Sida lagu daabacay barta rasmiga ah ee uu xulka kubadda cagta England ku leeyahay internet-ka, Stones ayaa laga fasaxay xerada tababarka xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax isagoo ku laabtay magaalada Manchester iyo kooxdiisa ula tacaasho inuu goor hore soo kabsado.

Dhaawaca 27-sano jirkan ayaa kusoo beegmay xilli naadiga Citizens uu ka dhaawacan yahay difaaceeda Ruben Diaz taasoo Stones u saamaxday inuu dhammeysto 90-ka daqiiqo saddexdii ciyaar ee ugu dambeysay Premier League.

Exit mobile version